Home Wararka Maanta Deg Deg: Guddiga doorashooyinka oo mudeeyay goorta iyo goobta doorashada gudoonka Somaliland

Deg Deg: Guddiga doorashooyinka oo mudeeyay goorta iyo goobta doorashada gudoonka Somaliland

Guddiga hirgalinta Doorashooyinka dadban ee heer federaal Soomaaliya ayaa shaaciyay wakhtiga la qabanaayo doorashada gudoonka Somaliland ee ka shaqeyn doona doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi.

Qoraal ka soo baxay Guddiga doorashada ayaa waxa ay sheegeen maalinta Sabtida, Taariikhduna tahay 7-da August 2021 in doorashada la qabanayo islamarkaana ka dhici doonto xerada Afisiyooni.

“ Iyadoo la tixraacayo go’aanka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu shalay 3-da August ka gaaray xalinta arrimaha guddiga doorashada ee Somaliland iyo go’aamadoii xalay ka soo baxay shirkii Golaha wadatashiga Qaran, waxaa dhamaan xubnaha guddga la farayaa in doorashada gudoonka guddiga Somaliland lagu dhameystirayo waqtiga kor ku xusan”

Waxaa dhanka kale uu guddiga sheegay in ay ka hor tagayaan wax walba oo doorashada db u dhigi kara waxaana ay xuseen iney ka go’antahay doorasho xor iyo xalaal ah iney qabtaan.

Maalmahan Ra’isul Wasaare Rooble ayaa wada dadaalo xal looga gaarayo khilaafka guddiyada doorashada Somaliland isagoo la kulmay Ra’isul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi waxaana uu kala diray guddiga ay iska dhex doorteen garab kamid ah.

 

Source link