DEG DEG: Farxaan Qaroole oo caawa qarax lala beegsaday





Muqdisho (Banaadirsom) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax culus oo goordhow ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa la sheegay in qaraxaas lala beegsaday, waxayna ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ay si hordhac ah noogu xaqiijiyey inuu ka badbaaday.

Si rasmi ah looma xaqiiji karo khasaaraha qaraxaas, maadaama ay tahay xiili habeen ah, waxaana degaanka Ceelasha Biyaha ilaa wadada dheer ee Muqdisho ka taagan cabsi iyo jaha wareer xoog leh.

Wixii ka soo kordha kala soco Banaadirsom










Source link