Home Wararka Maanta Deg Deg: Doorashada Musharixiinta Aqalka Sare ee Puntland oo bilaabatay

Deg Deg: Doorashada Musharixiinta Aqalka Sare ee Puntland oo bilaabatay





Waxaa saaka oo Arbaca ah xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe ka bilaabatay doorashada murashaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland.

22 Murashax ayaa u tartameysa 11ka kursi kuwaasi oo ay u codeyn doonaan 66ka xildhibaan ee Baarlamaanka Puntland.
Waxaa sidoo kale saaka magaalada soo gaaray guddiga Xalinta Khilaafka oo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Murashaxiinta Puntland ee u taagan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala ah:

2-Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab)
Kawsar Cabdulaahi Xirsi
3-Maxamed cabdi cisman (Majiino)
Maxamed Geedi Maxamuud
4-Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade)
Cabdulahi Maxamed Xaashi Nuur
5-Cabdisamad Yusuf Maxamed (Abwaan)
Ismacil Mire Muumin
6-Daahir Ayaanle Saciid
Maxamed Cumar Maxamed
7-Farxaan Cali Xuseen
Hodan Isxaaq Maxamed
8-Saynab Ismacil Maxamed
Amina Jamac Ibraahim
9-Abdiqani Geele Maxamed
Cabduqadir Maxamad Yusuf
10-Samiro Maxamuud Xaaji Cawad
Naciima Axmad Bakar
11-Sareedo Maxamed Xasan
Fartuun Yusuf Jamac

 




Source link