Home Wararka Maanta DEG DEG: Diyaarad uu la socday Lataliyaha Md Farmaajo Oo loo diiday...

DEG DEG: Diyaarad uu la socday Lataliyaha Md Farmaajo Oo loo diiday Kismaayo





War naga soo gaaray Garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa uu sheegayaa in maanta loo diiday diyaarad uu la socday Lataliyaha Arimaha Doorashooyinka Madaxweyne Farmaajo inuu gudaha ugalo Magaaladaasi.

Axmed Madoobe ayaa Amar ku bixiyey in aanu Cabdi Cali Raage kasoo degi Karin Kismaayo maadaama khilaaf xoog leh uu ka dhex jiray.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan Ee Kismaayo ayaa war geliyey diyaarada Raage waday inay dib ugu soo laabato Muqdisho.

Waana ay dhacday oo diyaarada waxa dib loogu soo celiyey Xamar,Cabdi Cali Raage ayaa saxaafada la hadlay isagoo si kulul uga hadlay falkaasi maanta lagu sameeyey.

Hore ayuu Cabdi Cali Raage usoo noqday Lataliyaha Siyaasada Madaxweyne Axmed Madoobe,inta aysan is khilaafin 2019-kii.

Hadda waxa uu ahaa Raage murashax Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka si uu ula tartamo Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ay isku beel yihiin.

 




Source link