Home Wararka Maanta DEG DEG: Dagaalo Culus oo ka socda gobalka Hiiraan

DEG DEG: Dagaalo Culus oo ka socda gobalka Hiiraan

Dagaal xoogan ayaa maanta waxa uu ka dhacay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan kaa laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan u dhaxeeyay.

Dagaalka ayaa ka bilowday  kadib markii rag hubeysan oo maleeshiyaad ay weerar ku qaadeen Maleeshiyo beeleed kale oo ku sugnaa duleedka Matabaan, sidaasina uu ku bilowday dagaalka.

Dagaalka oo socda ayaa waxaa la sheegayaa in hub culsu ay isku adeegsanayaan dagaalkaas, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalkaas oo kasoo baxayaan warar kala duwan.

Inta la xaqiijiyay laba qof oo mid haweeney ay tahay ayaa ku dhaawacmay dagaalka u dhexeeya Maleeshiyo beeleedka hubeysan oo la tilmaamay inay kasoo kala jeedan Baladweyne iyo degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale waxaa socda dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu xaliyo Colaada soo cosboonaatay, waxaana la sheegay in dagaalka uu salka ku haayo arrimo la xiriira aano beeleed.

 

Source link