DEG DEG DAAWO: Soomaaliya oo Maxkamadda ICJ horteeda kaga dhawaaqday warkii ugu cuslaa, si adagna u diiday.

Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diiday in ay ogolaato codsiga dawladda Kenya ee ay ku dalbatay in 12 bilood dib loo dhigo dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya.
Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa saaka isku keentay labada dhinac ee Kenya & Soomaaliya, waxayna si rasmi ah ugu sheegtay in ay Kenya dalbatay 12 bilood oo dheeraad ah oo aan ku jirin labadii bilood ee u dambeysay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u diiday dalabka Kenya, waxayna sheegtay in aysan aqbaleynin in markale dib loo dhigo ama wada xaajood siyaasadeed laga yeeshaba.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

Raysalwasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed oo hogaaminaayy Eradda Soomaalida ayaa si cad u sheegay in aysan dawladda Soomaaliya, marnaba arrimahaas aqbali doonin oo ay diyaar u tahay in ay dacwadda yimaadaan 4ta November oo la balamiyey.
Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku qanacsan tahay oo kaliya qaraarkii u dambeeyey ee Maxkamadda Cadaaladda Aduunka, ayna taasi tahay dhabaha kaliya ee lagu gaarayo xalka labada dal u dhaxeeya.