DEG DEG DAAWO: Puntland & DF Soomaaliya oo wada hadalkoodii Fashilmay.

Wasiiro katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo dhamaantood kasoo jeeda Puntland, shalayna u yimi sidii ay wada hadal ula yeelan lahaayeen Madaxweynaha Puntland ayna uga baajiyaan safarkiisa Kismaayo ayaa ku guuldareystay arrintaasi, waxayna goor dhaw dib ugu laaban doonaan magaalada Muqdisho.

Warar hoose ayaa sheegaya in wafdigan kahor intii aysan bixin ay kulan gaar ah la yeesheen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee gobalka Barri oo ay kala hadlayaan tabashooyinkooda ay muujinayeen maalmihii u dambeeyey.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

Xukuumada Puntland ayaa u aragta kulamadan faragalin siyaasadeed oo waqtigan dhacda, waxaana wararku sheegayaan in ay ka carootay oo lagu amray in aysan cidna qabili karin.

Wasiiraddan heer federal oo kasoo jeeda Puntland ayaa marka ay dib ugu laabtaan Muqdisho, la kulmi doona madaxweynaha Soomaaliya Max`ed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu lahaa dalabka ah in ay tagaan Boosaaso.