DEG DEG DAAWO: Dagaal Ka Dhex bilowday mucaaradka dhexdooda..

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hor-yimid in musharaxiinta mucaaradka ay la kulmeen madaxweynaha maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug Cali Guudlaawe iyo Axmed Qoor Qoor.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid aan habooneyn, xilli aan la ogeyn mowqifkooda ku aadan weerarkii uu Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay metelaan labadaas madaxweyne goboleed, sida uu hadalka u dhigay.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta lagu rasaaseeyay wadada aada garoonka diyaaradaha iyagoo dhigaya dibad bax nabadeed, ayaa wax aan suuragal aheyn ku tilmaamay in shir doorasho lala galo ninkii weeraray hotel ay laba madaxweyne iyo gudoomiye baarlamaan hore dagan yahiin.

6032e48d312ce