Home Wararka Maanta DEG DEG: C/raxmaan C/shakuur oo lasiiyey Kursiga Xildhibaanimada Beeshiisa

DEG DEG: C/raxmaan C/shakuur oo lasiiyey Kursiga Xildhibaanimada Beeshiisa





Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa usheegay Warbaahinat Badweytims  ayaa sheegaya in Xildhibaan uu heli doono baarlamaanka 11aad Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Sida ay Badweytims hore u ogaatay Mr Shakuur ayaa dhexda uxirtay helitaanka Booska beeshiisa taas oo ugu dambeyn maanta lasiiyey.

Beesha habar eji uu ka dhashay C/raxmaan C/shakuur ayaa u ogolaatay inuu qaato Kursiga Hop138 uu hore ugu fadhiyey Xildhibaan Siciid Nuur Gariish oo ay isku heyb yihiin Warsame.

Tani ayaa dhabaha uxaareysa murashaxiin madaxweyne kale oo iyaguna raadinaya Xildhibaanimada golaha shacabka si ay xasaanad ugu helaan hadii ay waayaan jagada madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay is hayaan Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa waxa iyaguna ku tartami doonaan Beesha Agoonyar cida xildhibaan unoqon laheyd.

Waa war aad loo hadal hayo in C/raxmaan C/shakuur oo mucaarad weyn ku ahaa Dawlada Madaxweyne Farmaajo uu helay Booska Xildhibaanimada golaha shacabka beeshiisa.

 




Source link