DEG DEG: Beesha caalamka oo Diidey qorshahii mucaaradka Damac sanaayeen,Cuna Qabatayna Ag Dhigtay Siyaasiga Fal Ku kaca.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xubnaha dalalka beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda adag ee kala guurka ah, doorashooyinka 2021-ka iyo shirkii wada-tashiga Dhuusamareeb.

Qoraalkan oo ay si wadajir ah usoo saareen xubnaha beesha caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay soo dhoweynayaan dadaallada socda ee ku aadan arrimaha doorashooyinka dalka, si looga gudbo xaaladda adag ee kala guurka ah.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa shaaca ka qaaday in horumar laga sameeyey qodobada qaar ee shirkii Dhuusamareeb kuwa kalena lagu kala tegay, balse ay rajeyneyso in markale laga wada-hadlo, si loo sii amba-qaado dadaallada socda ee doorashooyinka 2021.

“Wadahadalladii lagu qabtay Dhuusa-mareeb 1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa. Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday madaxda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo saamileyda kale inay muujiyaan tanaasul, si loogu heshiiyo hirgelinta doorashooyinka dalka, iyada oo la ilaalinayo danta guud ee qaranka.

Ugu dambeyn wakiilada ayaa ka digay in la qabto doorasho aan heshiis lagu aheyn, waxayna shaaciyeen in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka.

“Waxaan mar kale hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo aan ahayn kuwa la isku raacsanyahay, oo ay ku jiraan geeddi-socod barbar-socod ah ama doorashooyin dhinac keliya ah oo aan loo dhammayn, ama falal kale oo aan si ballaaran loogu wada heshiin, in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka”, ayaa markale lagu yiri qoraalka

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay kasii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana haatan dhammaaday muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya.

  6021b444d7e23