Home Ciyaaraha Danny Murphy Oo Saadaaliyay Halka Ay Kooxaha Chelsea, Man United & Liverpool...

Danny Murphy Oo Saadaaliyay Halka Ay Kooxaha Chelsea, Man United & Liverpool Kaga Dhamaysan Doonaan Premier League Xilli Ciyaareedka Cusub.

Halyeeyga Liverpool ee Danny Murphy ayaa saadaaliyay in ay Banaadirsom Man City ku guulaysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedka cusub sidoo kale saadaaliyay in ay kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Manchester United buuxin doonaan 4-ta boos ee ugu saraysa horyaalka.

Xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League ayaa bilaaban doona Jimcaha iyada oo ay furi doonaan kooxaha Brentford iyo Arsenal kuwaas oo iska hor iman doona.

Man City ayaa ku guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore Murphy ayaana aamisan in ay City difaacan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan sidoo kale Liverpool gali doonto kaalinta 2-aad halka ay chelsea gali doonto kaalinta 3-aad Ugu dambayna Man United ku dhamaysan doonto kaalinta 4-aad.

“Waxa aan filayaa in ay Man City ku guulaysato horyaalka sababta oo ah way adagtahay in lagu garaaco Banaadirsom”ayuu Murphy yidhi.

“Man City iyo Liverpool ayaa isku baacsan doonaan horyaalka laakiin dhibco badan kama horayn doonaan kooxaha kale waxa uu tartanka 4-ta boos ee ugu sareeya noqon doonaa mid adag”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ma Jiraa Qof Aad Jeceshahay Laakiin Aad Khalad Ka Gashay, Ma Doonysaa In Ay Ku Cafiso Ama Uu Ku Cafiyo, Fariintan Cajiibka Ah Ayaa Kaaga Filan

Source link