Home Ciyaaraha Danny Murphy Oo Magacaabay Labada Kooxood Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier...

Danny Murphy Oo Magacaabay Labada Kooxood Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan. – Banaadirsom

Danny Murphy ayaa iska indho tiray kooxaha Chelsea iyo Manchester United isaga oo u magacaabay Manchester City iyo Liverpool labadiisa kooxood ee ugu cadcad ku guulaysiga Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Man City ayaa seddex dhibcood ka heshay labadii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka cusub, iyagoo 5-0 ku xasuuqay Norwich City sabtidii ka dib markii guuldarro ay ka soo gaartay Tottenham isbuuca furitaanka.

Chelsea, Liverpool, Brighton iyo Spurs ayaa ah kooxaha kaliya ee weli heysta rikoor fiican, inkastoo West Ham ama Leicester ay gaadhi karaan 6 dhibcood hadii ay badiyaan kulanka ay wada ciyaari doonaan.

Kooxda chelsea ayaa si weyn loogu saadaalinyaa horyaalka sabab la xidhiidha saxiixa Romelu Lukaku oo ku soo biiray kooxda waliba furtay goolashiisa kulankii Arsenal.

Laakiin Murphy ayaa sheegay in uu Lukaku kooxda chelsea ka dhigi doono koox adag laakiin ayna kooxda Thomas Tuchle u tartami doonin horyaalka kooxaha Liverpool iyo Man City yihiin kooxaha ugu cad-cad.

“Uma malaynayo in uu xiddig kaliya go’aamin karo horyaalka”ayuu Murphy u sheegay TalkSport.

“Anigu waxa aan aaminsanahay in ay kooxaha Liverpool ama Man City ugu cad-cadyihiin ku guulaysiga horyaalka premier League”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link