Home Ciyaaraha Daniel James Mise Jadon Sancho? Xiddiga Ku Bilaaban Doona Kulanka Southampton Oo...

Daniel James Mise Jadon Sancho? Xiddiga Ku Bilaaban Doona Kulanka Southampton Oo La Ogaaday. – Banaadirsom

Xiddiga Daniel James ayaa lagu soo waramayaa in uu sii haysan doono booskiisa kulanka Southampton ee premier League isaga oo kaydka ku sii hayn doona xiddiga Jadon Sancho.

Xidddiga Dan James ayaa ku bilowday garabka weerarka kulankii ay United garaacday kooxda Leeds United todobaadkii hore kulan ka dhacay garoonka Old Trafford ee ugu horeeyay ee Man United.

Sancho ayaa kulankaas ku soo galay badal laakiin ciyaaray daqiiqado yar ka hor intii ayna dhamaan ciyaartu waxana la filayay in uu ku bilowdo kulanka Southampton ee maanta.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Wales sii haysan doono booskiisa kaydkana ku hayn doono xiddiga Jadon Sancho kaas oo sugi doona kulankiida ugu horeeya.

Sii Akhriso: Faah-Faahino Yar Oo Ay Gabadha Uga Fiirsato Ninka Kulankooda Ugu Horeeya, Iska Sax Arimahan Ninow.

Source link