Home Ciyaaraha Dani Ceballos Oo Shaaca Ka Qaaday Go’aankiisa Ku Aadan Mustaqbalkiisa Real Madrid....

Dani Ceballos Oo Shaaca Ka Qaaday Go’aankiisa Ku Aadan Mustaqbalkiisa Real Madrid. – banaadirsom

Xiddiga khadka dhexe ee Dani Ceballos ayaa tababaraha Real madrid ee Carlo Ancelotti u sheegay in uu u dagaalami doono booskiisa kooxd Real Madrid.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ka so laabtay amaah 2 sano ah oo uu ku qaatay Arsenal isaga oo ciyaaray 77 kulan taramada oo dhan laakiin ku adkaystay in uu doonayo in uu ku laabto Real Madrid.

Dani Ceballos ayaa u sheegay wargayska AS in uu doonayo in uu ku laabto Real Madrid kuwaas oo uu heshiis 6 sano ah u saxiixay markii uu ku biiray banaadirsom xagaagii 2017.

“Run ahaantii waxa aan doonayay in aan guulo la gaadho Real Madrid, waxa aan u dagaalami doonaa booskayga waana sii joogi doonaa banaadirsom”.

“Khibradii aan ka helay Arsenal ayaa iga dhigtay qof adag haatan waxa aan doonayaa in aan guulo la gaadho Real Madrid”.

“Way iska cadahay waxa aan doonayaa in aan sii joogo Real Madrid laakiin marka hore waa in aan ogaado qorshaha tababare ee uu iga damacsanyahay”ayuu sii raaciyay

Source link