Dagaal Qasaaro Dhaliyay Oo Kadhacay Magaalada jowhar Warar kii Ugu Dambeeyay..

Jowhar (Banaadirsom)-Wararka ka,imaanaya magaalada jowhar ee harunta g/shabeelaha dhexe  ayaa lagu soowaramayaa in Bam Gacmeed lagu weeraray xarun lagu tababaro Ciidamada dowladda oo ku taalla magaalada Jowhar.

Weerarkan oo dhacay Xalay Fiidkii hore ayaa waxaa ku dhintay Askari ka tirsanaa Ciidankii ku tababaranayay halkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda oo lahadlay badweyntimes ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan weerarkaasi.

Sidoo kale waxaa weerarka kadib xaafado ka tirsan degmada Jowhar Ciidamada ammaanku ay ka bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, kuwaas oo illaa saaka Ciidamadu ka wadaan magaaladaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo madaxda HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Jowhar ayaa aheyd mid dagan, iyadoo Ciidamada amnigu ay muujinayeen feejignaan dheeri ah.