Home Wararka Maanta Dagaal ka dhacay gobolka Bakool & faah faahin laga helayo khasaaraha

Dagaal ka dhacay gobolka Bakool & faah faahin laga helayo khasaaraha

Dagaalka oo sida la sheegay geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu  degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool uu ku dhexmaray Ciidamada Itoobiya eek u sugan degmadaas iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leysku adegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka degmada Xudur ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in xaafado ka tirsan degmada Xudur rasaas kusoo dhacday inay khasaaro u geysatay dad Shacab ah, kuwaas oo xilliga dagaalka uu dhacayay guryahoda ku sugnaa.

Dhowr jeer oo hore ayaa Al-Shabaab waxaa ay weerareen degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool oo muddo Toban sano ka badan u go’doonsan, waxaana dadka ku nool ay wajahaan dhibaatooyin kala duwan.

Source link