Home Wararka Maanta Dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug & Wararkii ugu danbeeyay

Dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug & Wararkii ugu danbeeyay





Wararka ka imanaya gobolka Muduga ayaa sheegaya in ciidamo isugu jira kuwa dowlada federalka iyo kuwa Galmudug ay weerar ku qaadeen tuulooyinka Miiroon iyo Eryaal oo hoos taga deegaanka Qaycad, halkaas oo dagaal xoog leh uu ka dhacay.

Deegaanka uu maanta dagaalku ka dhacay ayaa ah kuwa u dhexeeya deegaanka Qaycad iyo degmada Xaradheere oo ay ciidamadan huwanta ah ku sii durkayaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada iskaashanaya ay la wareegeen deegaanada Miiroon iyo Eryaal oo ah deegaanada ka sokeeya degmada Xaradheere.

Tan iyo markii ay howlgaladan ka bilowdeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug waxaa ay ciidamada iskaashanaya la wareegeen deegaano faro badan kaasoo ay hore gacanta ugu hayeen dagaalamayaasha Alshabaab.

 

 




Source link