Home Wararka Maanta Dagaal culus oo ka dhacay meel u dhow Garoowe iyo xogo laga...

Dagaal culus oo ka dhacay meel u dhow Garoowe iyo xogo laga helay

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed, isla markaana geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay uu ka dhacay deegaanka Saax-Maygaag oo 50km dhinaca Bari uga began Magalada Garoowe una dhexeeya gobolada Sool iyo Nugaal.

Mlaaeshiyaadka dagaalamay ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayo dagaalkooda xiisad ka dhalatay muran dhuleed oo muddooyinkii dambe ka aloosnayd deegaankaas, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku dhintay hal Ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in maleeshiyaadka dagaalamay ay ahaayeen badankood kuwo Xoolo dhaqato ah, sidoo kalena dagaalkooda uu dhowr jeer soo laab laabtay, isla markaana horay xal looga gaaray.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland ayaa Warbahinta u sheegay in saacadaha soo socda ay Ciidamo u diri doonan degaanka lagu dagaalamay si dagaalka loo joojiyo, iyada oo dadka qaar ay bilaabeen inay barakacaan.

Degaano ka tirsan Gobolada Sool & Mudug oo ay Puntland maamusho ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa kusoo batay dagaal Beeleedyada, kuwaas oo qaarkood weli taagan kuwane xal laga gaaray.

Source link