Home Wararka Maanta Dabley hubeysan oo dad shacab ah ku afduubtay deegaan katirsan gobalka Sool...

Dabley hubeysan oo dad shacab ah ku afduubtay deegaan katirsan gobalka Sool iyo xiisada Puntland iyo Somaliland

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa warar naga soo gaaraya deegaanka Tukuraq ee gobalka Sool ay sheegayaan in dad shacab ah oo gaari dadweyne saarnaa in la afduubtay.

Waxaana qafaalashadan ka dambeysay Koox hubeysan oo aan heytooda la aqoon a xili ay kala dageen gaari nooca dadweynaha oo ay saarnaayeen, iyagoona kusii jeeday degaano ka tirsan Gobolka Sool.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa Afduubta loo geystay dadkaas  waxaase la sheegay inuu ka dambeeyay, ka gadaal markii Somaliland xirtay Nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur, sida ay ku warrameen dadka deegaanka Tukaraq.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Cabdikariin Cali Nuur lagu xiray Magaalada Laasaacaanood ee Xarunta Gobolka Sool, isagoona lagu eedeeyay inuu taageero u muujiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Baaritaano kala duwan ayaa socda balse Weli lama oga dableyda hubeysan halka ay la aadeen dadkii saarnaa gaariga ee afduubka ugu geysteen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, mana jiro wax  ah  ah oo kasoo baxay Maamulka degaanka oo arrintan ku saabsan.

 

Source link