DAAWO WAREYSI QOSOL BADAN: Wasiir Janan “Ciidanka Dowladda Way Naga Awood Bateen Hub Mucjiso Ayey Wateen,Loomana Adkeysan Karin”

Wasiirka amniga ee maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabadinuur (Janan) ayaa qirtay in dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Beled Xaawo looga qabtay ciidamo ka tirsanaa askartiisa.

Janan oo BBC u warramay ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo dhan 37 askari oo qaarkood la qabtay qaarna ay is dhiibeen.

“Anaga ciidan 37 qof ah ayaa 16 ka mid ah la qabtay inta kalana ay is dhiibeen, laakiin labo boqol iyo boqol midna nagalama qaban,” ayuu yiri.

Gudoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed, ayaa waraysi uu siiyay BBC ku sheegay in ciidan dhan 250 askari ay ku qabteen dagaalkii 25-kii January ka dhacay Beled Xaawo.