DAAWO VIDEO:Wararkii ugu Danbeeyey Boosaaso iyo Puntland oo Xabad joojin ku Dhawaaqday



Wasiirka Amniga ee maamul goboleedka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay Boosaaso iyo sida uu xalka noqon karo.

Saaka aroortii ayuu magaalada Boosaaso mar kale ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo xoogag ka amar qaata taliyihii PSF-ta ee xilka laga qaaday, inkastoo markii dambe ay xaaladda degtay.

Wasiirka Amniga ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay aqbalayaan oo kaliya in la raaco dastuurka maamulkaasi oo hoggaanka ciidammada PSF uu xilka wareejiyo.

Cabdisamad Maxamed Gallan, oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay ayaa agaasimihii PSF ee xilka laga qaaday waxa uu ku eedeeyay inuu weerrarka Boosaaso soo qaaday, wixii ka dhashayna uu mas’uuliyadeeda qaadi doono.

Dhanka kale wasiir Gallan waxa uu intaasi ku daray in dhankooda ay diyaar u yihiin nabad iyo wadaxaajood, balse marnaba aanay ka tanaasulayn ku dhaqanka dastuurka.



Source link