Daawo: Dibad-bax ka dhan ah Farmaajo oo ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho

Muqdisho (Banaadirsom) –Qeybo badan oo ka tirsan degmooyinka waqooyi ee magaalada Muqdisho waxaa caawa ka qarxay banaanbaxyo xoog leh oo looga soo hor jeedo mudo kororsiga Madaxweyne Farmaayo.

Banaanbaxa ayaa fiidkii hore ee caawa ka bilaawaday aagga Mirinaayada ee degmada Cabdicasiis, waxuuna ku sii faafay dhul balaaran, iyadoo dadka dhigaya ku qeylinayaan erayo ay ku cabirayaan shacuurtooda.

Dadka banaanbaxaas dhigayey oo wata cod baahiyeyaal ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah madaxweyne Farmaajo, waxayna lahaayeen, “Kaligi-taliye dooni meyno, Farmaajo ha dhaco, mudo kororsi dooni meyno, Farmaajo waa gacan ku dhiigle” iyo erayo kale oo ay ku muujinayaan diidmadooda ku aadan mudo kororsigii dhacay 12-kii bishan.

Sidoo kale warbaahinta madaxa-banaan ayaa gaartay halka ay banana-baxyadu ka bilaawdeen, waxaana lagu wadaa in xubnaha hoggaaminaya dibad-baxayaasha ay warbaahinta la hadlaan.

Halka uu banaanbuxu caawa ka bilaawday ee Mirinaayo waxaa gacanta ku haya ciidamo ka soo hor jeeda mudo kororsiga Farmaajo, kuwaas oo shalay dagaal ka dhacay aagaas uga awood roonaaday ciidamo kale taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka.

Dhanka kale Banaan-baxyo kale ayaa hadda ka socda qeybo ka mid ah wadada Wadnaha ee marta bartamaha magaalada Muqdisho, waxayna si gaar ah uga socdaan Isgoysyada Mirinaayada, Sanca, Jardiinka, Siinaay ilaa Foralansa oo degmada Wardhiigley ka tirsan.

Dadka banaanbaxaya ayaa ku qeylinaya halku dhigyo ka dhan ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waxaa xusid mudan in dagaalkii shalay uu ka bilaawday banaanbax ay dhigayeen dad shacab ah, kaas oo ka bilaawday isgoyska Fagax ee kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa ee gobolka Banaadir.

Xaaladda magaalada Muqdisho oo maanta deganeed, kadib dagaalladii shalay iyo xalay ayaan caawa marti gelinaysa banaanbaxyo laga cabsi qabo inay sii xoogeystaan, isla markaana ay sababaan isku dhacyo hor leh.



Source link