Cristiano Ronaldo Oo Sheegay Boosaska Ay Man United Tahay In Ay Kaga Dhamaysato Premier League Xilli Ciyaareedkan. – Banaadirsom

Xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay fursadaha kooxdiisa ee ku dhamaysiga boosaska champions League xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa ku jirta kaalinta 7-aad ee kala saraynta premier League xilli ciyaaareedkan kadib qaab ciyaareed xun oo ay soo bandhigeen kulamadii ugu dambeeyay.

Kooxda Man United ayaa 22 dhibcood ka dambaysa kooxda Man City ee hogaaminaysa horyaalka premier league kadib 20 kulan oo la ciyaaray premier League.

“Manchester United waa in ay ku guulaysataa horyaalka ama waa in ay gashaa kaalinta 2-aad ama 3-aad”ayuu yidhi Cristiano Ronaldo oo waraysigiisii ​​ugu dambeeyay ee Sky Sport.

“Ma arko boos kale oo ay Man United gali karto, runta hadii aan sheego ma arki karo meel ka baxsan boosaskaas, ma aqbalayo in maskaxdeena ay ka yar tahay inaan ka mid noqono seddexda sare ee Premier League”.

“Waxaan awood u leenahay inaan wax ka bedelno hadda, ma garanayo habka gaarka ah, sababta oo ah ciyaartoy ayaan ahay ma ihi tababare”


Source link