Home Ciyaaraha Cristiano Ronaldo Oo Fure U Ah Mustaqbalka Xiddiga Baxsadka Ka Ah PSG...

Cristiano Ronaldo Oo Fure U Ah Mustaqbalka Xiddiga Baxsadka Ka Ah PSG ee Kylian Mbappe – Banaadirsom

Cristiano Ronaldo ayaa ‘fure’ u ah mustaqbalka xiddiga PSG ee Kylian Mbappe, sida lagu sheegay warbixin cusub oo xasaasi ah.

Labada xiddig ee Ronaldo iyo Mbappe ayaa doonaya in ay isaga tagaan kooxohooda iyada oo xiddiga Mbappe diidanyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG iyada oo Real Madrid xiiso u qabto saxiixa xiddiga iyada oo ay xitaa labada xiddig is caawin karaan.

Wargayska AS ayaa sheegaya in rabitaanka Ronaldo ee ka tagista kooxda juventus inta uuna xidhmin suuqa xagaagan in ay dabcin doonto go’aanka PSG ee iibinta Mbappe ee haatan iyaga oo u dhaqaaqi kara saxiixa xiddiga reer Portugal.

Arintaas ayaa la macno noqonaysa in ay labada xiddigba helaan waxa ay doonayaan oo ah in ay ka tagaan kooxaha ay haatan la joogaan kuna biiraan kooxaha ay doonayaan xagaagan.

Ronaldo ayay hal sano uga dhimantahay heshiiskiisa Juventus waxana la sheegayaa in lagu heli karo lacag dhan 25 milyan oo euro xilli uu Mbappe ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda PSG waliba diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer France.

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Source link