Home Ciyaaraha Cristiano Ronaldo Oo Afka Furtay Kana Hadlay Wararka Saacadihii La Soo Dhaafay...

Cristiano Ronaldo Oo Afka Furtay Kana Hadlay Wararka Saacadihii La Soo Dhaafay Ku Saabsanaa Mustaqbalkiisa. – Banaadirsom

Xiddiga Banaadirsom Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa afka furtay kadib markii si weyn looga hadlay mustabalkiisa saacadihii la soo dhaafay lana sheegayay in uu isaga tagayo Banaadirsom Juventus xagaagan.

Waxa soo baxay warar sheegaya in uu wakiilka Cristiano Ronaldo saxiixa xiddiga u soo bandhigay Banaadirsom Man City si uu xiddigu ugu laabto premier League suuqa xagaagan.

Kadib waxa soo baxay warar sheegaya in uu Tababaraha Banaadirsom Juventus ee Carlo Ancelotti maamulka Banaadirsom Real Madrid ka dalbaday in Cristiano lagu soo celiyo Santiago Bernabue halka uu Ancelotti la xidhiidhay xiddiga si uu ugu qanciyo ku laabashada Los Blancos.

Laakiin Ronaldo ayaa afka furtay kana jawaabay wararkaas isaga oo bogiisa Instagram-ka ku soo qoray:

Cid walba oo i garanysa waxa ay ogtahay sida aan diirada u saaro shaqadayda, hadal yar iyo hawl badan, ayaa ahayd ujeedkayga tan ilaa markii aan bilaabay xirfadayda ciyaareed laakiin hadana waxa jira waxyaabo laga qoray mustaqbalkayga waxana aan doonayaa in aan ka hadlo mawqifkayga”.

“Waa ixtirama daro aniga ah Ka Qof ahaan iyo ka ciyaartoy ahaan, sida looga hadlay mustaqbalkayga waxa ay Ixtiraam daro u tahay dhamaan kooxaha la ila xidhiidhiinayo iyo xiddigaha iyo shaqaalaha tababarka”.

Ronaldo ayaa si gaar ah uga hadlay warar la xidhiidhinaya ku laabashada Real Madrid.

“Sheekadayda Real Madrid waa la qoray, waa la diwaan galiyay, hadii ay tahay kuwo kalmado ah iyo Lambaro, hadii ay noqoto koobab iyo horyaalka, rikoodhada iyo caawaanada waxa ay ku sugan yihiin Madxafka Bernabeu, sidoo kale waxa ay u jirtaa qalbiga taageere kasta oo Banaadirsom ah”.

“Waxa intaas sii dheer, waxa aan xasuustaa in 9-kii sano ee aan joogay Banaadirsom in aan la lahaa xidhiidh fiican iyo ixtiraam taageerayaasha waxana aan ogahay in aan ku jiro qalbiga taagere kasta oo Real ah sidoo kale ay ku jiraan qalbigayga”.

“Sidoo kale waxa jira warar kale oo ila xidhiidhinaya kooxo kale iyo horyaalo kale iyaga oo aan marna ka fiirsan runta”.

“Waxa aan ka baxayaa Aamusnaanta sababta oo ah dadka kale uma ogolaan karo in ay magacayga ku sii ciyaaraan, waxa aan diirada saarayaa xirfadayda iyo shaqadayda waxana aan diyaar u ahay waxa waxa soo socda”.

Source link