Home Wararka Maanta Ciidanka DANAB & kuwa Jubbaland oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka DANAB & kuwa Jubbaland oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 5aa ee Guutada 16 aad iyo Ciidanka Daraawiishta iyo Nabadsugida Jubbaland oo Isgarabsanaya ayaa howlgal ka fuliyey Deegano ka tirsan Gobolka Jubada hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggamineysay ayaa waxaa ay sheegeen inay Ciidamada ka saareen dhowr degaan oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah beerxaani,qoloshimbi, sariiraha, dharkayn urur, yaaqcaleen, yaaq dabayl, iyo kuwa kale.

Degaannada ay Ciidamada howlgalka kula wareegeen ayaa waxaa ay dhamaantood ku yaallaan duleedka Magaalada Kismayo, waxaana dhowr jeer lagu weeraray Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland.

Sidoo kale saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku dileen Shan kamid ah Al-Shabaab, isla markaana ay ku qarxiyeen miinooyin gaaraya lix, kuwaas oo ay wadada ku aaseen Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa ay Al-Shabaab ka saarayaan degannada iyo degmooyinka ay weli kaga sugan yihiin Gobolka Jubbada Hoose.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Xubn o ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

 

Source link