Home Wararka Maanta Ciidamada Galmudug oo gudaha u galay degaan ay heysatay Alshabaab iyo ciidamada...

Ciidamada Galmudug oo gudaha u galay degaan ay heysatay Alshabaab iyo ciidamada huwanta oo kusii jeeda..





Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa dagaal kula wareegay degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada ay oo ay hoggaaminayaan Saraakiil uu kamid yahay Janeraal Saadaq Joon ayaa waxaa ay weerareen degaanka Camaara, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inau la wareegeen degaanka.

Saraakiil ka yirsan Ciidamada dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Mudug gaar ahaan degmada Xarardheere oo awood xoogan ku leeyihiin Al-Shabaab.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay la wareegeen degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

 




Source link