Home Wararka Maanta Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay Xaafado ka tirsan Muqdisho

Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay Xaafado ka tirsan Muqdisho

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay xalay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Wartanabadda ee Gobolkan Banaaadir.

Ciidamada ayaa goobjoogayaal sheegeen in mararka qaar ay galayeen Guryaha si ay baaritaan ugu sameeyaan, halka ay baaritaan dheeri ah ku sameeynayeen dadka Shacabka ah ee wadooyinka maraya iyo kuwa ku sugan Goobaha Ganacsiga

Laaamaha Amniga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin ujeedka howlgalka iyo waxyaabo lagu soo qabtay, hayeeshee dhowr jeer xaafado ka tirsan Muqdisho sidaan oo kale howlgallo looga fuliyay.

Howlgalkan ay xalay Ciidamada dowladda ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Wartanabadda ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli habeen kahor tiro madaafiic ah ay kusoo dhaceen xaafado u dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Source link