Home Wararka Maanta Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Bacaadweyn, Al shabaab oo kala firxaday+meydadkooda...

Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Bacaadweyn, Al shabaab oo kala firxaday+meydadkooda oo…

Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa sida gaara ah u tabagaran oo uu horkacayo wasiirka amniga Galmudug Axmad Macalin Fiqi ayaa Al shabaab kala wareegay deegaanka Bacaad weyn.

Xalay saqdhexe ayaa duulaanka maanta uu bilowday kaa oo saacado ka hor la soo afjaray, waxaana halkaas lagu dilay Tobaneeyo katirsan Al shabaab halka la qabtay dhaawacyo iyo hub ay ka firxadeen.

Waxaa howlgalkan sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyihii ciidamada Booliska Gobalka Banaadir Saadaq Joon oo ciidan badan watay kaa oo gacan libaax leh ka qaatay soo afjaridda argagisxasada Al shaabb ee halkaas ka howlgali jiraty.

Bacaad weyne ayaa sidan oo kale ciidamada dwladda ay la wareegeen balse ay ka baxeen walow guusha maanta ay tahay mid taariiki ah.

Al shabaab ayaa in lagala wareego Bacaad weyn waxey ku tahay dabar go’ weyn oo deegaanada Galmudug ay ka dareemi doonaan maadama Bacaad weyn ay aheyd halka ay ka soo abaabulaan weerarada Al shabaab.

Sidoo kale meydad farabadan oo Al shabaab ah ayaa lagu arkay deegaanka Bacaad weyn kuwas oo ay haleeshay rasaasta Shabaab.

Al shabab ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay waxey iska caabin xoogan kala kulmayeen ciidanka dowoaldda kuwaa oo dhowr fariisan kala wareegay Al shaab.

 

Source link