Home Wararka Maanta Ciidamada Amaanka oo toogasho ku dilay rag hubeysan

Ciidamada Amaanka oo toogasho ku dilay rag hubeysan

Wararka laga helayo degmada Dayniile Dayniile ahaan xaafada Gubta Gubta sheegaya in Ciidamada amaanka ay dileen labo nin oo burcad hubeesan halka mid sadexaadna gacanta ku dhigeen kaa oo isna hubeysnaa.

Burcada hubeesan ayaa watay mooto nuuca loo yaqaan Fekon waxaana ay isku dayay in ay baxsadaan kadib markii ay dagaal la galeen ciidamada amaanka Dayniile taas oo keentay in labo kamid ah la dilo.

Meydadka labada nin ee la dilay ayaa in mudo ah yaalay goobta lagu dilay, waxaana goobta ragaasi hubeesnaa lagu dilay isugu soo baxay dad badan oo qaarkood sheegeen in ay telfoono kasoo dhaceen.

Ciidamada booliiska saldhiga Dayniile ayaana lagu wareejiyay meydadka burcada la dilay iyo moobeeladii ay soo dhaceen, waxa ay sidoo kale ciidamada xireen ninkii kale ee burcada katirsanaa ee la qabtay.

Buracada hubeesan oo inta badan adeegsada mootooyinka bajaajta iyo Fekon ayaa dhibaato ku haya shacabka ku dhaqan xaafado katirsan Muqdisho, burcadan ayaana dadka dhaca xilida habeenkii iyo salaada subax kadib iyagoo dila kuwa u diida Moobilka.

 

Source link