Home Wararka Maanta Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku toogtay nin ku hubeysnaa AK47

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku toogtay nin ku hubeysnaa AK47

Wararka laga helayo wadada isku xirta Mudisho iyo Balcad ayaa soo sheegaya in Booliska Gobolka Banaadir ay caawa toogasho ku dileen nin hubeysan oo fulin rabay weerar argagaxisanimo.

Falkan ayaa ka dhacay wadada Ex-Control Balcad ka dib markii ninkan oo ku hubaysnaa qori AK 47 ah uu isku dayey inuu weeraro Shaqaalaha dhisaya Wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

Ciidamada amaanka ee ilaalada ka haya shaqaalaha dhismaha ka wada jidkaas ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen inta uusan bilaabin weerarkan, isagoo isla goobta ku geeriyooday.

Ninkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu watay Boorso la tuhunsan yahay iney ku jiraan waxyaabaha Qarxa , taasoo la baarayo hadda sida laamaha amaanku sheegeen.

Inta badan shaqaalaha iyo Engineerada dhisa wadooyinka ayaa la kulma weeraro argagixasinimo oo kaga imaada ururka Al shabaab kuwaa dilay Eng u dhashay Turkiga iyo waliba kuwa Soomaali ah

 

Source link