Home Ciyaaraha Chelsea Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa jules Kounde – Banaadirsom

Chelsea Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa jules Kounde – Banaadirsom

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis shaqsi ah la gaartay daafaca dhexe ee Sevilla Jules Kounde si uu ugu dhaqaaqo Stamford Bridge inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Blues ayaa la sheegayaa in ay doonayso la saoo saxiixashada daafac dhxe ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaagan Kounde ayaana ah xiddiga sida weyn loola xidhiidhinayo kooxda chesea.

Sida laga soo xigtay wargayska AS, Chelsea ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer France iyaga oo haatan kaliya u baahan in ay Sevilla kala heshiiyaan qiimaha xiddiga.

Sevilla ayaa la rumaysanyahay in ay daafaca dhexe ku qiimayso lacag dhan 70 milyan oo euro waana lacag ayna chelsea doonayn in ay bixiso suuqa xagaagan.

Blues ayaa lacag ku dhaw 100 Milyan ka bixisay Romelu Lukaku sidaas darteed ma doonayso in ay bixiso lacagta ay Sevilla ku qiimayso xiddiga reer France.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link