Home Ciyaaraha Chelsea Oo Talaabo Dhab Ah U Qaadaysa Saxiixa Erling Haaland. – banaadirsom

Chelsea Oo Talaabo Dhab Ah U Qaadaysa Saxiixa Erling Haaland. – banaadirsom

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay dalab 150 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland.

Blues ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddiga reer Norwy kadib markii ay ku guulaystay champions league xilli ciyaareedkii hre.

Dortmund ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga 20 jirka ah ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo kale iyaga oo diidan in ay hoos u dhigaan qiimaha ay ku iibiyaan.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay 90 min, Chelsea ayaa rumaysan in ay dalab 150 milyan ah ka gudbin doonto saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka dambe.

Wararka ayaa sheegaya in ay Blues haaatanba wadahadalo la qaadatay wakiilada xiddiga iyaga oo kala hadlaya heshiiska shaqsiga ah.

Source link