Home Ciyaaraha Chelsea Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Saxiixa Antoine Griezmann &...

Chelsea Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Saxiixa Antoine Griezmann & Faah-Faahinta Heshiiska Ay Ku Doonayso Oo La Ogaaday. – banaadirsom

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara banaadirsom Barcelona ee Antoine Griezmann inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

banaadirsom Barcelona ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga 30 jirka ah inta lagu jiro suuqa xagaaga si ay u dhinto mushaharka uu ka qaato banaadirsom maadama ay dhaaftay xadigii mushaharka.

Chelsea ayaa doonaysa in ay qaab amaah ah ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer France kadib markii uu ku dhibaatooday banaadirsom tan ilaa markii uu ku soo biiray banaadirsom.

Sida laga soo xigtay Sport, Chelsea ayaa u dhaqaaqi karta Griezmann si ay uga dhigto bedelka Erling Braut Haaland, laakiin Barcelona ayaa kaliya dooneysa inay amaah ku dirto xilli ciyaareedka dambe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay chelsea bixin doonto mushaharka xiddiga oo damaystiran iyada oo ay kooxdu haatan ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga Griezmann inkasta oo ay kooxdiisii hore doonayso saxiixiisa.

Source link