Home Ciyaaraha Chelsea Oo Qorshaynysa In Ay Man City Ka Afduubato Xiddig Ay Pep...

Chelsea Oo Qorshaynysa In Ay Man City Ka Afduubato Xiddig Ay Pep Guardiola Kaga Dhagantahay. – banaadirsom

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay ku garaacdo Manchester City saxiixa 100 milyan lagu qiimeeyo ee kabtanka u ah banaadirsom Aston Villa Jack Grealish.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu ka tagayo banaadirsom Aston Villa kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Man City ayaa la rumaysanyahay in ay hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa Grealish inkasta oo ay Villa dalbanayso lacag dhan 100 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee wargayska Tuttomercatoweb ayaa sheegaya in ay chelsea qorshaynayso in ay Man CIty ku garaacdo banaadirsom Man City inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Chelsea ayaa xiddiga reer England u aragta mid ka caawin kara in ay guulaystaan tartanka premier League xilli ciyaareedka soo socda.

Source link