Home Ciyaaraha Chelsea Oo Ku Dhaw Saxiixa Jules Kounde & Faah-Faahinta Heshiiska Oo La...

Chelsea Oo Ku Dhaw Saxiixa Jules Kounde & Faah-Faahinta Heshiiska Oo La Ogaaday – banaadirsom

banaadirsom chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara banaadirsom Sevilla ee Jules Kounde kaas oo ay kula soo wareegayso lacag 30 milyan oo euro iyo waliba daafaca dhexe ee Kurt Zouma.

Jules Kounde oo 22 jir ah ayaa ka ciyaari kara daafaca dhexe iyo waliba garabka daafac midig waxana uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay 2 sano oo uu joogay Seviila sidoo kale waxa uu ka qayb qaatay tartanka Euro 2020.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay banaadirsom ku guulastay champions league kuwaas oo doonaya in ay dhamaystiraan saxiixiisa inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in ay daafaca dhexe ee Zouma ku dari doonaan heshiiska si ay u dhamaystiraan saxiixa xiddiga reer France suuqa xagaagan.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay chelsea wadahadalo kula jirto banaadirsom Seviila kuwaas oo la filayo in ay ka heshiiyaan Jule Kounde iyo Kurt Zouma iyo waliba lacag 30 milyan ah.

Sii Akhriso: Sifooyinka Gabadha Quruxda Badan Ee Ay Raggu Ka Baxsadaan, Hadii Gabadhu Leedahay Sifooyinkan Ma Jiro Nin U Istaagaya

Source link