Home Ciyaaraha Chelsea Oo Heshay Wado Ay Borussia Dortmund Ugu Qancinayso In Ay Ka...

Chelsea Oo Heshay Wado Ay Borussia Dortmund Ugu Qancinayso In Ay Ka Iibiso Erling Haaland – banaadirsom

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay iska iibiso Timo Werner ka dib xilli ciyaareed xun oo ku soo bandhigay goolka hortiisa waxana ay xitaa diyaar u yihiin in ay ka qayb dhigaan heshiiska ay ku doonayaan saxiixa xiddiga Erling Haaland sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 25 jirka ah ee Timo Werner ayaa ku dhibaatooday Stamford Bridge kadib markii uu ku soo biiray koxoda xagaaii hore isaga oo qaab ciyaareed xun soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa dhanka kale doonaysa saxiixa xiddiga Erling Haaland kaas oo ka mid ah xiddigaha da’yarka ah ee ugu fiican dhinaca weerarka xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay.

Blues ayaa ilaa haatan Borussia Dortmund ka gudbisay hal dalab oo ay miiska ugu saartay lacag iyo waliba xiddiga Tammy Abraham laakiin Borussia Dortmund ayaa diiday dalabkaas

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay banaadirsom chelsea isku dayi doonto in ay chelsea markan Borussia Dortmund miiska u saari doonto lacag iyo waliba xiddiga Timo Werner si ay u hesho Erling Haaland.

Chelsea ayaa ku kalsoon in ay Dortmund ka fiirsan doonto dalabkan maadama uu Timo Werner yahay xiddig reer Germany ah waliba si fiican u garanayo horyaalka Bundesliga oo uu wakhti fiican ku soo qaatay.

Sii Akhriso: Ma Jirtaa In Aad Kala Fogtihiin Qofka Aad Jeceshahay, Ma Doonaysaa In Aad Jacaylkiina Noolaysiin, 6-dan Wad Ayaa Kaa Caawinaysa.

Source link