Home Ciyaaraha Chelsea Oo Guul Weyn Ku Bilaabatay Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub....

Chelsea Oo Guul Weyn Ku Bilaabatay Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub. – banaadirsom

banaadirsom chelsea ayaa guul ku bilaabatay kulamadeeda isku diyaarinta xilli ciyaareedka kadib markii ay garaaceen banaadirsom championship-ka ka ciyaarta ee Peterborough kulan ka dhacay garoonka tababarka ee Cobham.

Chelsea oo ay ka maqanyihiin dhamaan xiddigihii xulalkooda u ciyaaray tartamada euro 2020 iyo Copa America ayaa ku badisay guul weyn oo 6/1 ah kulan dhinac kaliya ahaa.

Tababare Thomas Tuchel oo adeegsaday xiddigihii soo xaadiray tababarka todobaadkii hore ayaa guul ku bilowday isku diyaarinta xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee buuxa.

Chelsea ayaa qaybta hore ku dhamaystay ciyaarta 3/0 iyaga oo ay u dhaliyeen xiddigaha Tammy Abraham, Christian Pulisic & Armando Broja kuwaas oo soo bandhigay qaab ciyaareed fiican.

Qaybtii dambe ayuu xiddiga Hakim Ziyech dhaliyay 3 gool ee kale isaga oo kooxdiisa chelsea u dhaliyay saddexleydii ugu horaysay ee xirfadiisa banaadirsom chelsea.

Source link