Home Ciyaaraha Chelsea Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Timo Werner – banaadirsom

Chelsea Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Timo Werner – banaadirsom

banaadirsom Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay raadineyso inay iska iibiso Timo Werner inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer Germany ayaa xagaagii hore ku soo biiray Chelsea waxana uu si joogto ah ugu ciyaaray banaadirsom tartamada oo dhan isaga oo saftay 52 kulan.

Werner ayaa dhaliyay 12 gool 15 kalena caawiye ka noqday xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay laakiin kaliya dhaliyay 6 gool oo premier League ah.

banaadirsom Thomas Tuchel ayaa la sheegayaa in ay doonayso saxiixa weeraryahan cusub iyada oo lala xidhiidhinayo xiddigaha Robert Lewandowsk iyo Erling Haaland si ay ugu xoojiyaan weerarka.

Sida laga soo xigtay Sky Deutschland, Chelsea ayaa xiriir la samaysay kooxo badan oo yurub ah iyaga oo u soo bandhigay saxiixa xididga 25 jirka ah inta lagu jiro suuqa kala iibsiga.

Sii Akhriso: Ma Jirtaa In Aad Kala Fogtihiin Qofka Aad Jeceshahay, Ma Doonaysaa In Aad Jacaylkiina Noolaysiin, 6-dan Wad Ayaa Kaa Caawinaysa.

Source link