Chelsea Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ka Hor Furitaanka Suuqa January. – Banaadirsom

Tababaraha Hungary Marco Rossi ayaa sheegay in daafaca Fenerbahce Attila Szalai uu qarka u saaran yahay inuu u saxiixo Chelsea.

Xilli Blues ay isku dayeyso inay heshiis cusub la gaarto dhowr daafac oo kooxdeeda jooga haatan waxa si weyn loola xidhiidhinayaa daagaca Szalai.

Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in kooxo dhowr ah ay ku jiraan loolanka loogu jiro 23-sano jirkaan kaasoo wacdaro ka dhigaya kooxda Turkiga xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Rossi, heshiiska uu Szalai ugu biirayo kooxda Chelsea suuqa January ayaa la dhamaystiray.

Isagoo la hadlayay Calciomercato, Rossi ayaa yiri: “Way adag tahay in la magacaabo hal ciyaaryahan, laakiin hadda waxaan si wanaagsan u arkaa Attila Szalai, kaasoo u ciyaara Fenerbahce, laakiin waxaan filayaa inuu ku biirayo Chelsea.

“Sida cad, waxaa si dhaw ula socday kooxo waaweyn oo reer Spain ah laakiin sida muuqata ku biiristiisa kooxda chelsea ayaa haatan ah mid la dhamaystiray”ayuu sii raaciyay.


Source link