Home Ciyaaraha CHAMPIONS! Chelsea Oo Ku Guulaystay UEFA Super Cup, Villarreal Ayay Garaaceen –...

CHAMPIONS! Chelsea Oo Ku Guulaystay UEFA Super Cup, Villarreal Ayay Garaaceen – Banaadirsom

Banaadirsom chelsea ayaa ku guulaystay koobka UEFA Super Cup kadib kulan xiiso leh oo ay rikoodhayaal kaga badisay Banaadirsom Villarreal kulan ka dhacay garoonka Windsor Park.

Qaybta hore:

Kulanka ayaa mid isku dheeli tirsan dhinaca weerarada iyo fursadaha ay labada kooxood abuurayeen laakiin chelsea ayaa ahayd Banaadirsom ku fiican dhinaca kubad hasashada iyaga oo kubada ka haystay Banaadirsom Villarreal.

Dhanka kale Banaadirsom Villarreal ayaa adeegsanaysay kubad weeraro rogaal celis ah xilli ay adeegsanayeen xiddigaha weerarka uga ciyaara kuwaas oo halis galinayay daafaca chelsea marka ay kubada helaan.

Banaadirsom Chelsea ayaa daqiiqadii 27-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Hakim Ziyech kaas oo gool u badalay baas uu ka helay xiddiga kai Havertz kadib kubad rogaal celis ah oo ay qaadeen.

Villarreal ayaa isku dayday iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta xilli ay Chelsea difaac gashay isla markaasna doonaysay in ay ciyaarto weeraro rogaal celis ah oo ay Villarreal ka dhaliyaan goolal kale xilli ay ku mashquulsanyihiin raadinta goolka bar-baraha.

Laakiin Banaadirsom Villarreal oo uu isku dheeli tirnaa difaaceeda iyo weerarkeedu ayaa cadaadis xoogan saartay Banaadirsom chelsea kuwaas oo difaac galay si ay u difaacdaan goolka.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay chelsea hogaaminayso ciyaarta natiijo ahaan laakiin labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed isku dheelitiran.

Qaybta dambe:

Banaadirsom Villareeal ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay keenaan goolka bar-baraha iyaga oo cadaadis aan kala joogsi lahayn saaray Banaadirsom chelsea.

Villarreal ayaa samaysay fursado badan laakiin Fursadahaas ayaa noqday kuwo uu Goolhaye Mendy badbaadiyo ama kuwo ay iska cunaan xiddigaha Villarreal iyo mid ay birta ku dhuftaan.

Daqiiqadii 73-aad ayay Villarrreal dhalisay goolka bar-baraha kadib markii uu xiddiga Gerard Moreno dhaliyay goolka kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baraha 1/1 ah.

Labada kooxood ayaa wixii intaas ka dambeeyay isugu jawaabay fursadaha ay goolasha ku raadinayeen xilli ay Villarreal u muuqatay kuwo ka halis badan chelsea kuwaas oo u muuqay kuwo aad u daalan.

Waxa sidaas ku dhamaatay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta taas oo keentay in ciyaarta lagu dar 30 daqiiqo si ay labada kooxood u kala baxaan loona dhaliyo gool kale.

Laakiin labada kooxood ayaa sidoo kale ku kala bixi waayay 30-kii daqiiqo ee lagu daray ciyaarta waxana garsooruhu go’aamiyay rikoodhayaal si ay labada kooxood u kala badiyaan midkoodna loo siiyo koobka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Banaadirsom chelsea rikoodhayaal ku qaaday koobka UEFA Super Cup kadib markii ay ku qaaday rikoodhayaal 6/5 ah.

Source link