Home Ciyaaraha CHAMPIONS!! Banaadirsom Horseed Oo 40 Sano Kadib Markii Ugu Horaysay Ku Guulaystay...

CHAMPIONS!! Banaadirsom Horseed Oo 40 Sano Kadib Markii Ugu Horaysay Ku Guulaystay Horyaalka Somali Premier League. – Banaadirsom

Banaadirsom Horseed ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay horyaalka Somali Premier League kadib markii ay ku laagteen Banaadirsom Mogaishu City Club kadib markii ay Banaadirsom Mogaishu City Club diiday in ay ka qayb qaadato kulanka.

Sababo la xidhiidha muran ay la timid Banaadirsom Mogaishu City Club waxa ay diiday in ay ka qayb qaadato kulankan kadib markii xidhiidhka kubada cagta Somaliya ku adkaysteen in maanta la ciyaaro kulanka halka Banaadirsom Mogaishu City Club doonaysay in dib loo dhigo kulanka.

Garsooraha ciyaarta hogaaminayay ayaa bilaabay ciyaarta iyada oo ay isku taabteen Banaadirsom Horseed kuwaas oo dhaliyay goolka guusha kadib markii ay ku laagteen Banaadirsom Mogaishu City Club.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay koxda Horseed ku guulaystay horyaalka Somali premier League xilli ciyaareedkan kadib muddo 40 sano oo ayna ku guulaysan horyaalka Dalka.

Sii Akhriso: Saddexda Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Jacaylkaaga Ugu Soo Bandhigi Kartid Qofka Aad Jeceshahay Hadi Adiga Oo Aan Xishood Aama Cabsi Dareemin.

Source link