Home Ciyaaraha Carlo Ancelotti Oo Amaanay Xiddig Dhamaystiran Oo Ku Jira Kooxdiisa Kadib Guushii...

Carlo Ancelotti Oo Amaanay Xiddig Dhamaystiran Oo Ku Jira Kooxdiisa Kadib Guushii Alaves – Banaadirsom

Carlo Ancelotti ayaa guul ku bilowday shaqadiisa Real Madrid kadib markii ay kooxdiisu guul 4/1 ah ku garaacday Banaadirsom Alaves kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Xiddiga Karim Benzema ayaa door weyn ka ciyaaray guusha Banaadirsom Real Madrid kadib markii uu dhaliyay 2 ka mid ah 4-ta gool ee ay Banaadirsom Real Madrid dhalisay.

Tababare Ancelotti ayaa amaan ugu qubeeyay weeraryahankiisa ahaana kabtankiisa kulankii Alaves kadib markii uu guul muhiim ah ku hogaamiyay Banaadirsom Los Blancos.

“Qaybtii hore ee ciyaartu waxa ay ahayd mid aad u hoosaysa, kubad la’aanta”ayuu Ancelotti yidhi.

“Laakiin waxa aan shaqo fiican qabanay qaybtii dambe waxana aan soo bandhignay qaab ciyaareed dar-dar leh”.

“Goolkii Benzema ee hore ayaa ciyaarta furay, waxana aan bilownay in aan dar-dar galino ciyaarta”.

“Karim kaliya uguma yeedhi karno weeraryahan laakiin waa xiddig dhamaystiran waxana uu leyahay shaqsiyad weyn”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ma Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn, Ma Doonaysaa In Aad Soo Jiidato Qalbigiisa, Fariimahan U Dir, Shaki La’aan Wuu Badalayaa Go’aankiisa

Source link