Home Ciyaaraha Car Yaa Iska Celinaya! Shaxda Wareerka Ah Ee Ay Real Madrid Ku...

Car Yaa Iska Celinaya! Shaxda Wareerka Ah Ee Ay Real Madrid Ku Ciyaari Karto Hadii Uu Mbappe Ku Biiro Kooxda. – Banaadirsom

Kooxda Real Madrid ayaa u muuqata kuwo bilaabay baacsiga ay u doonayaan saxiixa xiddiga Kylian Mbappe kadib markii ay dalab Rasmi ah oo dhan 160 milyan oo euro ka gudbiyeen saxiixa xiddiga ka hor inta ayna PSG diidin dalabkaas.

Laakiin Real Madrid ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socota kula laabto miiska daalab cusub si ay u hesho saxiixa xiddiga reer France inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Mbappe ayaa dhankiisa iska diiday in uu u heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG isaga oo si cad ugu sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro xagaagan.

Heshiiska Mbappe ee PSG ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan kooxda reer France ayaana xiddiga ku waayi doonta qaab xor ah hadii ayna heshiis cusub ka saxiixan.

Hadaba wargayska Express Sport ayaa soo bandhigay shaxda dbka ah ee ay Real Madrid ku ciyaari karto hadii uu Mbappe ku biiro kooxda xagaagan.

Shaxda Real Madrid: Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Casemiro, Kroos, Modric; Mbappe, Benzema, Hazard

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link