Home Wararka Maanta Cali Guudlaawe oo Muqdisho ka bilaabay olole cusub kadib socdaal uu ku...

Cali Guudlaawe oo Muqdisho ka bilaabay olole cusub kadib socdaal uu ku yimid Xamar





Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maalmihii lasoo dhaafay safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo xubno kale oo katirsan maamulka Hirshabelle ayaa kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Cali Guudlaawe iyo xubnihii la socday.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaan goobjoog ka aheyn shirkii Wadatashiga ee dhaweaan kusoo dhamaaay magaalada Muqdisho, waxa uuna shirkaasi uga qeyb galay Cali Guudlaawe aalada fogaan araga ee Zoom.

Cali Guudlaawe ayaa xogo aan helnay waxa ay sheegayaan inuu qorsheynayo in magaalooyinka doorashada lagu soo koobo hal magaalo gaar ahaan Jowhar maadama uusan tagi karin magaalada Baladweyne halkaa oo lagu weeraray Golahiisa wasiirada.

Magaalada Muqdisho inta uu joogo Madaxweynaha Hirshabelle ayuu kulamo la qaadan doonaa madaxda dowlada iyo musharaxiinta Madaxweynaha qaarkood ay kawada hadli doonaan hirgalinta doorashada iyo arimo kale.

 




Source link