Home Wararka Maanta Cali Guudlaawe iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray degmo xeebeedka Cadale (Sawirro)

Cali Guudlaawe iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray degmo xeebeedka Cadale (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Xeebeedka taariikhiga ah ee Cadale.

Madaxweynaha iyo wafdiga balaaran ee uu hogaaminayo ayaa isugu jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano heer federaal, xubno labada gole ee Dowlada Hirshabeelle Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Saraakiil iyo Marti sharafta kale waxaa si wayn u soo dhoweeyay bulshada iyo Maamulka Degmada Cadale.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo degmada cadale waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Cadale.

Lama oga ujeedada safarka Cali Guudlaawe ku tagay degmada Cadale, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu la xiriiro xalinta khilaafaad u dhexeeya beelaha degaanka oo halkaas ka taagnaa mudooyinkan.

Source link