Home Arimaha Bulshada Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn...

Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn – Allsomali.net


Sida laga soo xigtay cilmi-baarista cilmu-nafsiga, iska indha-tirka qof aad jeceshahay ayaa ah mid ka mid ah fal-celinta ugu xun ee kuu keenta xanuun iyo ciqaab xagga maskaxda ah iyada oo kugu keeni karta xaalado xun sida Cabsi, Khatar iyo wax la mid ah.

Iska indha-tirka qorshaysan waa in aad jecshahay qof aan ku dareemayn, in aad u baahato qof aan kuu baahnayn hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa 4 calaamad oo aad ku ogaan kartid in aad jeceshahay qof aan dan kaa lahayn.

1. In Uu Ka Baxsado in uu kaala hadlo wax walba oo ku saabsan xidhiidhkiina:

Waa calaamadaha ugu caansan ee muujinaya in uuna qofku kula wadaagin dareenka aad u qabtid, mar walba oo aad isku daydin in aad kala hadashid dareenka aad u qabto waxa uu isku dayi doonaa in uu ka fogaado arintaas oo uu si deg-deg ah u badalo mawduuca.

2.In Uu Ka Fogaado Iska Eegista Indhaha:

Hadii uu qofku isla markiiba u jeesto meel kale marka aad indhahaaga u saarto indhihiisa waxa ay la macno tahay in uuna qofkaas wax jacayl ah kula wadaagin ee uu adiga kugu kali yahay jacaylku.

3.In Uu Mar-Walba Mar-Marsiyo Sameeyo:

Hadii ay tahay Gabadh ama Nin, qofku marka uuna ku jeclayn waxa uu mar walba keenayaa mar-marsiyo mar walba oo aad kala hadashid xidhiidhkiina tusaale ahaan in aad kulantaan ma in aad wadahadashaan.

4.In Uuna Gabi Ahaan Kaa Masayrin:

Marka ay labada qof is jecelyihiin, mar walba waxa meesha ku jira masayr inkasta oo ay mararka qaar ku kala badanyihiin, Gabadha uu Ninku jecelyahay wuu ka masayrayaa hadii uu ku arko iyada oo la hadlaysa Nin kale sidoo kale gabadha ayaa ka masayraysa wiilka ay jeceshahay hadii ay aragto isaga oo la hadlaya gabadh kale.

Laakiin hadii aad dareento in uuna qofka aad jeceshahay wax dan ah ka lahayn cida aad la hadlayso waxa ay la macano tahay in uuna dareenka aad u qabtid kula wadaagin.

Source link