Home Wararka Maanta Cabdiraxmaan C.Shakuur oo fariin niyad jab ah u diray Farmaajo kuna saabsan...

Cabdiraxmaan C.Shakuur oo fariin niyad jab ah u diray Farmaajo kuna saabsan doorashada socota

Hogaamoyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo diray fariin kulul oo ku saabsan doorashada Soomaaliya isagoo ka hadlay sida ay wax u socdaan.

Waxa uu Siyaasiga sheegay in doorashooyinka ka dhacay Soomaaliya oo mar walba ay maamulaan madaxda xilka ka sii dageysa ineysan ku guuleysan islamarkaana shaqsiyaad kale ay hantiyaan kursigooda.

Hogaamiyaha ayaa ugu baaqay Dowladda Federalka iney doorashada ka deyso sumcad dilka iyo sharciyo tirka.

Hoos ka akhriso qoraalka C.C.Shakuur

Doorashadii 2012-kii Madaxweyne Xasan Shiikh oo aan wax gacan ah ku laheyn maamulka doorashada ayaa ku guulaystay. Tii uu Xasan Shiikh maamulayey 2016-kii, Madaxwyne Farmaajo oo dibad joog ka ahaa ayaa ku guulaystay. Puntland waxay aheyd, halka Dowlad Goboleed oo ay doorasho ka dhacday, Madaxweyne Deni oo doorashooyinka dibad joog ka ahaa ayaa ku guulaystay.

Waxaa habboon in aan doorashooyinka la sumcad iyo sharciyad tirin, mar haddii damac shakhsi ah aan horay loo xaqiijin kari waayey. Ilaaheey siyaasiyiinta Soomaaliyeed damaca waalan iyo iimaan darrida siyaasadeed ha innaga daaweeyo.

 

Source link