Home Ciyaaraha Bruno Fernandes Oo Caga-Juglayn U Diray Kooxaha Premier League Kadib Suuqa Cajiibka...

Bruno Fernandes Oo Caga-Juglayn U Diray Kooxaha Premier League Kadib Suuqa Cajiibka Ah Ee Man United Samaysay. – banaadirsom

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Man United ee Bruno Fernandes ayaa sheegay in ay Man United diyaar u tahay in ay xilli ciyaareedkan ku guulaysato koobab kadib markii ay kooxdu si fiica u gashay suuqa xagaaga.

Man United ayaa dhamaystirtay saxiixyada Jadon Sancho iyo Raphael Varane si ay ugu xoojiso banaadirsom xilli ciyaareedka soo socda kadib markii ay kaalinta 2-aad ku dhamaystay xilli ciyaareedkii hore.

Red Devils ayaa rajaynaysa in ay ku guulaysato koobab xilli ciyaareedka cusub Fernandes ayaana koxaha premier League u sheegay in ay iska ilaaliyaan kooxdiisa Man United xilli ciyaareedka cusub.

“Waxa aan arkayaa in ay wax fiican soo socdaan xilli ciyaareedka cusub”.

“Waxa aan aaminsnaahay in aan qaadan doono xilli ciyaareed fiican”.

“Xilli ciyaareedkii hore waxa aan gaadhnay final-ka europa League laakiin nasiib daro kumaanu guulaysan”.

“Laakiin marka la eego saxiixyada aan samaynay, Man United waxa ay noqon doontaa koox adag waxana aan doonaynaa in aan ku guulaysano koobab”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Sifooyinka Gabadha Quruxda Badan Ee Ay Raggu Ka Baxsadaan, Hadii Gabadhu Leedahay Sifooyinkan Ma Jiro Nin U Istaagaya

Source link