Home Ciyaaraha Borussia Dortmund Oo Ka Jawaabtay Wararka Chelsea La Xidhiidhinaya Erling Haaland –...

Borussia Dortmund Oo Ka Jawaabtay Wararka Chelsea La Xidhiidhinaya Erling Haaland – banaadirsom

banaadirsom Borussia Dortmund ayaa u sheegtay Chelsea inaysan dooneynin inay iibiyaan xagaagan Erling Haaland.

Xiddiga reer Norway ayaa soo jiitay xiisaha kooxo dhowr ah oo ka dhisan Yurub oo ay ku jiraan Real Madrid, Manchester City iyo Manchester United.

Laakiin wararka soo baxaya todobaadyadii  la soo dhaafay ayaa sheegayay in Chelsea ay kor u qaaday baacsiga ay ugu jirto  saxiixa Haaland iyada oo uu Thomas Tuchel doonayo weeraryahan cusub kadib markii uu ogolaaday in ay xiddigaha Tammy Abraham iyo Olivier Giroud isaga tagaan banaadirsom.

Milkiilaha banaadirsom Chelsea Roman Abramovich ayaa la fahansan yahay inuu shaqsi ahaan wado dadaalka banaadirsom ee ku aadan saxiixa Haaland.

Laakiin banaadirsom ku guuleysatay Champions League xilli ciyaareedkii hore ayaa wajaheysa howl culus oo ah inay heshiis la gaaraan Dortmund xagaagan, iyadoo qiimaha guud ee heshiiska la filayo inuu gaarayo 150 milyan oo euro.

Haatanna agaasimaha isboortiga ee Dortmund, Michael Zorc, ayaa u caddeeyay Chelsea in Haaland la filayo inuu sii joogo sannad kale.

“Erling Haaland haatan waxa uu haatan joogaa gurigiisa Norway”ayuu Zorc u sheegay Sport1 Sabtidii.

“Waxa uu ku soo laaban doonaa Dortmund iyo tababarka maalinta Isniinta”.

Isagoo la hadlaya Bild jimcihii, Zorc wuxuu ka hadlay xaaladda Haaland waxana uu yidhi”Waxba isma beddelin”.

“Waxa aan wali qorshaynaynaa in uu Erling ka qayb ahaado banaadirsom xilli ciyaareedka dambe”.

Source link